Wararka lag helayo magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in Wasiirka Qorsheynta xukuumadda xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan loo diiday inuu gaadiid ciidan iyo ilaalo la socotay la galo magaalada Garowe.
Wasiirka oo ay wehliyeen Gaadiid fara badan, ilaalo iyo dad la socotay aya lagu joojiyey a Sin-u-jiif ee bariga magaalada Garoowe, waxaana lagu amray haddii uu doonayo inuu galo magaalada inuu iska reebo ciidamada.
Wararkii ugu danbeeya yayaa sheegaya in Wasiirka markii danbe loo ogolaaday inu galo magaalada Garowe, kadib markii laga reebay ilaalada iyo ciidamadii la socday.
Wasiir Jamaal oo saaxiibo dhow la ah Farmaajo, dagaal siyaasadeedna kala dhaxeeyo madaxweynaha Puntland ayaa dib uga soo laabtay magaalada Dhahar ee uu kasoo jeedo markii uu dhoolatus siyaasadeed ka sameeyay, iskla markaana dhagax dhigay mashaariic kala duwan.
Arrintan ayaa timid iyadoo Wasiirka Amniga Puntland uu wax yar ka hor dhacdadan soo saaray amarro ku wajahan musharixiinta oo ku saabsan inaan loo ogoleyn inay gaadiid ciidan iyo ilaalo gaara kaxeystaan.
Falkan oo kale ayaa hore Wasiir Jamaal uga qabsaday garoonka Magaalada Garowe markii uu kusii jeeday magaalada Dhahar, ayey noqoneysaa markii labaad ee amni ahaan loo hor istaago.
