Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa soo saaray wareegto ku saabsan hirgelinta Manhajka cusub ee Waxbarashada oo la amray Dalladaha Waxbarashada iyo Dugsiyada gaarka loo leeyahay inay bilaabaan dhaqangelintiisa.
Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku amray Dalladaha Waxbarashada in laga bilaabo Ogost 2019 inay waajib tahay hirgelinta manhajka cusub ee Qaranka, isla markaana ciddii ka gaabisa fulinta amarkan tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
HOOS KA AKHRISO
