Sunday, July 13, 2025

Wasiirka Waxbarashada oo looga yeeray Baarlamaanka [Akhriso Arrinta ugu weyn ee lagu heysto]

Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa maanta looga yeeray Baarlamaanka Soomaaliya inuu hortago, iyadoo su’aalo laga weydiin doono arrimo dhowr ah.

Qoraal loo diray Wasiirka ayaa lagu caddeeyay in wasiirka ay xildhibaanada wax ka weydiin doonaan arrimo ay ka mid yihiin: Xaaladda Waxbarashadda dalka, Deeqaha waxbarashadda iyo Shaqaallaha Wasaaradda iyo arrimo kale.

Warar ayaa sheegaya in arrinta ugu weyn ee wasiirka loo heysto ay tahay deeqo waxbarasho oo dowladda Soomaaliya ay dibadda ka heshay, kuwaasoo la sheegay in si musuq ku jiro loo maamulay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON