Monday, June 23, 2025

Wasiirka Waxbarashada Puntland oo u jawaabay Wasiir Goodax, soona bandhigay heshiisyo hore oo dhex maray..

Puntland ayaa u jawaabtay Wasiirka Waxbarshada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo dhowaan sheegay in Puntland ay ka mid noqoto nidaamka imtixaanka dowladda federaalka ama aysan shahaado u soo doonan oo howsheeda iska wadato.

Wasiirka Waxbarashada Puntland C/llaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in dowladda Federaalka aysan sharci u lahayn maamulka waxbarashada dowlad Goboleedyada, isla markaana wuxuu soo bandhigay heshiisyo uu sheegay inay wada gakeen Puntland iyo dowladda Federaalku sandihii 2015 iyo 2017, oo Puntand u ogolaanaya inay u madax bannaan tahay qaadista iyo maamulka Imtixaankeeda.

Wasiirka wuxuu caddeeyay in dowladda Federaalka ay kormeer ku leedhaay Imtixaanka Puntland, kadibna ay tahay in ardayda Puntland caasimadda Garowe loogu geeyo Shahaadada heer Federaal.

Ad

Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa hadalka kasoo yeeray Wasiir Goodax ku tilmaamay mid ka horjeeda heshiisyadii ay wada galeen Puntland iyo dowladda Federaalka, isagoo saxaafadda usoo bandhigay qoraallo ka mida heshiisyada ay wada gaareen labada dhinac.

Ma aha markii ugu horeysay ee khilaafka arrintan uu soo shaac baxo ,waxayna labada dhinac ku guul darreysteen inay heshiis ka gaaraan arrinta shahaadada Dugsiyada Sare, waxaana maamulka Puntland aaminsan yahay inuu ka tayo badan yahay waxbarashada ka jirta Koonfurta Soomaaliya iyo inaan la isku aamini karin imtixaanka dowladda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON