Tuesday, July 1, 2025

Wasiirkii hore ee Amniga oo si Dirqi ah loogu doortay Kursigii uu hore ugu fadhiyey

Waxaa maanta magaalada Beledweyne ka dhacday Doorashada kursi ka mida Baarlamaanka Federaalka oo qabtay saacado ka dib markii magaalada laga fuliyey qaraxyo ay dad badan ku dhinteen.

Doorashada kursiga HOP011 waxaa ku tartamay Wasiirkii hore ee Amniga dowladii Xasan Sheekh xildhibaan oo kursiga difaacanayey iyo Maxamed Cumar Barrow.

Doorashada oo ahayd hal Wareeg ayaa waxaa Murashax Cabdirisaaq Cumar Maxamed helay 55 cod halka Murashaxii kale ee Mudane Maxamed Cumar Barrow helay 46, mana jirin codad hallaabay.

C/risaaq Cumar Maxamed ayaa si dirqi ah ugu guuleystay doorashada kursiga HOP011 oo uu horay ugu fadhiyay C/risaaq ayaa helay 55 cod, wuxuuna 5 cod uga qaaday muhsarixii la tartamay.

Doorashada Kursigan ayaa xalay hakatay markii qaraxyao waaweyn ay k adhaceen magaalada Beledweyne, laakiin madaxda Hirshabeelle ayaa ku adkeysatay inay soconeyso Doorashada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON