Monday, July 14, 2025

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland oo ka badbaaday Qarax lala beegsaday Gaarigiisa

Wasiirkii hore ee Qorshaynta dowlad Goboleedka Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa ka badbaaday Qarax lala beegsaday gaarigiisa xilli uu saaka marayey Bartamaha magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay mid ka mida ilaalada Wasiirka hore, iyadoo qasaare kasoo gaaray Gaariga, balse waxaa ka badbaaday Shire Xaaji Faarax oo la socday gaariga qaraxa qabsaday. Gaariga oo ahaa nooca loo yaqaan Toyota HILUX ayaa lagu qarxiyay Miinada dhulka la geliyo.

Magaalada Boosaaso ayaa ka mida magaalooyinka ay ka dhacaan falalka qaraxyada iyo amni darrada, iyadoo ah magaalada ugu amniga liidata maamul Goboleedka Puntland.

Ma jirto weli cid sheegtay qaraxa saaka ka dhacay magaalada Boosaaso, laakiin waxaa ka howlgala kooxaha Alshabaab iyo Daacish.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON