Wasiirkii Labaad ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay Golaha Wasiirada Maamulka K/Galbeed oo shalay uu magacaabay Madaxweynaha maamulkaasi C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Cali Aadan Macalin oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo duurjoogta ayaa caddeeyay inuu xilkaasi iska casilay, balse aanu aqbalin arrimo la xiriira awood qeybsiga beelaha maamulka K/Galbeed.
Wasiirka ayaa sheegay in Beeshiisa aanay u qalmin xilkan loo magacaabay, isla markaana aysan aqbali karin xilka isaga loo magacaabay, wuxuuna noqday xubintii labaad ee iska casisha Golaha Wasiirada K/Galbeed.
Golaha Wasiirada K/Galbeed ayaa tiradoodu gaareysaa 50 xubnood, iyadoo la filayo in kordhaan.