Thursday, June 26, 2025

Wasiirkii xilka laga qaaday ee Arrimaha Gudaha oo jawaab ka qoray Xil ka qaadistiisa [Akhriso]

Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay inuu warbaahinta ka maqlay xil ka qaadista lagu sameeyay, isla markaana ku howlanaa qabanqaabada safarka Madaxweyne Farmaajo ku tegi lahaa degaanada Puntland.

HOOS KA AKHRISO FARRIINTA WASIIR JUXA

“Waxaan saaka aniga oo Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada Madaxweynaha ee Puntland, idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday. Xilku waa meerto waana loo siman yahay. Waxaan u mahadcelin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre oo igu sharfay inaan Xukuumaddooda ka mid noqdo.

Waxaan ku dadaalay intaan xilka hayay inaan qabto wixii karaankay ah. Waxaan soo dhoweynayaa Wasiirka xilka igala wareegaya, waana ugu ducaynayaa in Ilaah Shaqada ku asturo. Waxaan bogaadinayaa dhammaan intii ila soo shaqaysay, gaar ahaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Golihii Wasiirada aan ka midka ahaa, shaqaalaha Wasaaradda, Hay’adaha Caalamiga ah iyo dhammaan asxaabtii aan shaqada iyo Shaashadaha isku baranay.

Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay. Raali gelin iyo Cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba. Guul iyo Gobanimo dhammaan”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON