Monday, July 14, 2025

Wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka & C/kariin Guuleed oo nabadeyn u tegay magaalada Beledweyne

Wafdi ka socda xukuumadda Soomaaliya ayna ka mid yihiin xildhibaano iyo madaxweynaha Galmudug ayaa goor dhoweyd ka degay garoonka magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan iyadoo ujeedkoodu yahay inay nabad dhex dhigaan laba beelood oo ku dagaalamaya xaafad ka tirsan magaalada Beledweyne.

Wafdiga waxaa hogaaminaya Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, waxaana ka mida wasiiro, wasiiru dowleyaal iyo xildhibaano ka soo jeeda gobolka Hiiraan, waxaana wafdiga ka mida madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xaalada magaalada Beledweyne ayaa weli kacsan, waxaana maanta xaafada rasaas goosgoos ah laga maqlayay xaafada Howlwadaag ee dagaalku ka taagan yahay. Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu wadahadal la bilaabo odayaasha iyo waxgaradka beelaha Hiiraan si xal loogu helo dagaalka soo noqnoqday ee magaalada Beledweyne.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON