Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Axmed Madoobe iyo wafdigiisa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirada Amniga iyo Arimaha Gudaha Maxamed Abuukar Islow iyo Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno ka tirsan labada gole.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho u imaanaya dhammeystirka heshiis uu la galay dowladda Soomaaliya oo ay magaalada Kismaayo isku afgarteen Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.