Tuesday, June 24, 2025

Wasiiru dowle ka socda Dowladda Ingiriiska oo Muqdisho ku sugan & kulamo uu la yeeshay Saraakiisha AMISOM [Sawirro]

Wasiiru Dowlaha waddanka Ingiriiska u qaabilsan Ciidamada Qalabka Sida Mudane Mark Lancaster oo booqasho ku jooga Muidsho ayaa booqday ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya oo ku howlan sugidda ammaanka dalka iyo yareynta khatarta argagixisada.

Wasiirka ayaa skulan la yeeshay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire, halkaasi oo ay uga wada hadleen wareejinta mas’uuliyadaha amniga ee laga wareejinayo AMISOM loona wareejinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo nooca iyo baaxadda taageerrada Ingiriiska ay u fidiso Howlgalka Midowga Afrika.

“Waxaan dhowaan la kulmay Danjire Madeira iyo Taliyaha Ciidanka. Waxaan jeclaan lahaa in aan ku bilaabo anigoo AMISOM ku amaanayo waxqabadkii ay sameeyeen kow iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay iyo waxyaabaha ay hureen, waayo waxaan shaki ku jirin haddii AMISOM aysan qaban lahayn shaqada wanaagsan ay qabatay koow iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay, Soomaaliya ma aysan qaadeen dhabbaha horumarka ee maanta ay ku taagan tahay,” ayuu yiri Mudane Lancaster.

Kooxda Taageerrada Howlgalka ee Boqortooyada Ingiriiksa (UKMST), ee hoos timaadda mashruuca UK70 ayaa waxaa ay sare u qaadday tababarrada karti dhiska iyo taageerrada kale ee ay u fidiso ciidamada AMISOM iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho iyo gobollada kale si loo xoojiyo dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

“Waxaan ka wada hadalnay sidii aanu taageerro badan u fidin karno Howlgalka, waxaana isla markana ka arrinsannay sidii aan ku horumarin karno xaaladda Soomaaliya bilooyinka iyo sanadaha soo socda,” ayuu raaciyay wasiirka ka socda Ingiriiska.

“Waxaa farxad weyn noo ah in dowladda UK ay aad u xiisaneyso howlaha aanu halkan ka hayno, iyo in ay Ciidamada Qalabka sida u soo direen Wasiiru Dowle. Booqashadaasi lafteeda aad ayay muhiim u tahay maadaama uu furinka hore ee dagaalka nala joogo xubin sare ee ka tirsan dowladda Ingiriiska,” ayuu yiri Danjire Madeira kaddib kulanka uu la qaatay Mudane Lancaster.

 

Wasiiru Dowlaha u qaabilsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa kormeeraya howlaha Ciidamada Qalabka Sida oo ay ka mid yihiin howlgallada, diyaarinta ciidamada iyo xiriirka gaashaandhigga caalamiga.

Wuxuu dhinaca kale wasiiru dowlaha la kulmay wakiilka Q/Midobay ee Soomaaliya Micheal Keating iyo madaxda xafiiska ee UNSOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON