Sunday, July 13, 2025

Wasiiru Dowle ka tirsan Dowladda UK oo Muqdisho kula kulmay Ra’iisal wasaare Kheyre

Ra’iisul xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiiru dowlaha Ingiriiska u qaabishan arrimaha Afrika, Andrew Stephenson oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Khayre iyo Andrew Stephenson ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed.

Andrew Stephenson ayaa ka haday taageerada dhaqaale ee UK siiso dowladda Somalia, isagoo sheegay in ku faraxsan yahay inuu Ra’iisal wasaare Kheyre la kulmay, ayna ka wadahadleen xaaladda bani’aadamnimo ee Somaia, horumarka dib u habeynta Dastuurka, dowladnimada iyo dib u habeynta dhaqaalaha ee muhiimada ay siineyso dowladda Somalia.

Andrew Stephenson ayaa ku dhawaaqay inay UK kordhineyso taageerada iyo kaalmada ay siiso Soomaaliya si wax looga qabto xaaladaha ka dhashay cimilada is bedeshay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON