Wasiiru dowlihii Amniga Maamulka K/Galbeed iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku geeriyooday garax Gaari ay la socdeen qabsaday oo ka dhacay maanta agagaarka Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Sh/hoose.
Qaraxa Miino aya maanta gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degaan u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn , waxaana ku dhintay Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir C/raxmaan Cali iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Faarax (Kaboweyne).
Wasiiru dowlaha iyo xildhibaanka ayaa ka mid ahaa wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo maanta safar shaqo ku tagay degaanka Bali-doogle ee degmada Wanlaweyn, balse Wasiiru Dowlaha iyo xubno kale ayaa safar dhulka ah ku soo aaday dhinaca Muqdisho, iyadoo ay ay qabsatay Miino dhulka lagu aasay Gaarigii uu watay Wasiiru Dowlaha.
Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin (Gacma) ayaa sheegay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay kaga tacsiyadeynayaan geerida ku timid Wasiiru Dowlihii Amniga Maamulkaasi iyo xildhibaanka Hirshabeelle.