Wasiir u dowlihii hore ee Madaxtooyada C/qaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Wasiiru dowlihii hore ayaa sheegay hankii dowladnimada loo hayey kadib doorashadii 2017 uu jabay, hirgelina waayey, laguna guuleysan waayey in horumar laga gaaro joojinta dagaallada iyo dhiigga baxaya, isagoo sheegay inay Soomaalidu weysay hoggaan khibrad iyo faham dowladnimo leh.
“Afar sano oo dhameystiran waxaan garab iyo gaashaan u ahaa madaxweynaheena xilka haya (Famaajo), hase yeeshee kuma guuleysan 4 sano kadib inuu noo xaqiijiyo hankii aan lahayn, Maadaama aan awoodi la’nahay 30-KM oo magaalada Muqdisho ku xeeran inaan si xorriyad ah ugu tallaabno, dhiiggii shacabka Soomaaliyeedna wali uu qul-qulayo” ayuu yiri Musharaxa cusub oo waxqabad la’aan ku eedeeyay Madaxweynaha xilkiisu dhammaanayo ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wuxuu sheegay in umaddu ay rabto cid hoggaamisa ee aysan dooneyn cid xukunta, taasoo ku dhalisay in isu soo taago Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isuna sharxo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
