Mas’uulkii ugu horeeyay ee ka tirsan maamul Goboleedka Puntland ayaa isu casilay arrin ku saabsan fadeexad maaliyadeed oo lagu eedeeyay madaxda Puntland.
Ma sheegin sababta is casilaadiisa, marka laga reebo inuu sabab uga dhigay arrimi gaara, laakiin wasiirkan oo aha wasiirka ugu dhow Madaxweynaha Galmudug aya warar isa soo taraya ka soo baxayaan tallaabada uu qaaday.
Dr. Maxamed Cabaas Macalin Cumar oo ahaa Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland ayaa shaaciyay inuu is casilay, waxayna wararku sheegayaan in is-casilaadiisa ay ka dambeysay markii lacago deeq ahaan uu soo ururiyay ay si gaara u qaateen madaxda Puntland oo aan la gaarsiin dadkii loogu talogalay.
Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in warqadda iscasilaadiisa oo qoraal ah u gudbiyey Madaxweynaha Puntland Dr. C/Weli Maxamed Cali Gaas oo ay u badan tahay in laga aqbalay.
Goobjooge.com