Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar Bam Caawa lagu qaaday xarunta degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa Bamka ayaa laga maqlay degaanada u dhow xarunta Degmada Wadajir oo ah xarun KMG ah oo ay ku shaqeeyaan maamulka degmadaasi, kadib markii qarax lagu baabi’iyey xarunta weyn ee degmada oo weli dhisme ku socdo.
Xarunta la weeraray ayaa ku dhow saldhigga Booliska degmada Wadjir, waxaana wararku sheegayaan inaysan cidna wax ku noqon Bam-ka oo ay ka dambeeyeen saddex nin oo watay Mooto Bajaaj, kuwaasoo la sheegay inay qabteen ciidamada Booliska ee degmada.
Taliyaha ciidamada Booliska degmada Wadajir ayaa laga soo xigtay inay gacanta ku dhigeen saddexda qof ee loo heysto inay ka danbeeyeen weerarka Bamka ah ee caawa lagu qaaday xarunta KMG ah ee degmada Wadajir ee G/Banaadir.