Friday, June 27, 2025

Weerar Bam oo lagu qaaday Guri uu leeyahay mas’uul ka tirsan Dowladda iyo Khaarijin fashilantay

Weerar Ban iyo weerar kale oo khaarijin ahaa ayaa galabta iyo caawa ka kala dhacay magaalada Muqdisho.

Weerarka hore ayaa galabta lagu qaaday sarkaal ka tirsanaa NISA, kaasoo la sheegay inuu watay gaari yar, xilli uu marayay Jidka warshadaha. Weerar ku qaadeen koox bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inuu iska difaacay kana baxsaday sarkaalka oo aan magaciisa la shaacin.

Weerar Bam ayaa dhinaca kale caawa lagu qaaday Guri uu leeyahay mas’uul ka tirsan dowladda Federaalka xaafadda Siinaay, degmada Warta-nabadda  ee magaalada Muqdisho.

Guriga la weeraray ayaa la sheegay inuu degan yahay agaasime ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo lagu magacaabo Axmed Shire Nageeye, wararka ayaa sheegaya in saddex qof ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Weerarka ayaa loo adeegsadya Bamka gacmeen, waxaana rasaas xoog leh furay ciidamo ku sugan agagaarkaasi, waxaana baxsaday kooxdii weerarka geysatay.

Weerarada qaraxyada iyo khaarjinta ayaa joogto ka noqday caasimadda, iyadoo maanta gaari  uu watay lagu qarxiyay mid ka mida shaqaalaha Telefishanka Universal ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON