Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday Bar-ciidan oo ciidamada Amniga ee Booliiska ku leeyihiin Xaafadda Jamhuuriya, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Is-rasaaseyn dhex martay kooxda weerarka ahayd iyo ciidamada Booliska ayaa dhalisay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana ku geeriyooday qof shacab ah iyadoo uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada Amniga.
Dadka degaanka ayaa sheegay in inuu is-rasaaseynta labada dinac ku geeriyooday wiil dhalinyarada xaafaddaasi ka mida oo magaciisa lagu sheeyay Sakariye Cabdullaahi Sabriye.
Ciidamo xoojin ah ayaa markii danbe gaaray goobta weerarku ka dhacay, waxayna wararku sheegayaan inay baxsadeen kooxdii weerarka soo qaaday oo aan la sheegin waxa ay ahaayeen.
hadlay Mustaqbal.
Maleeshiyo hubeysan oo qaab beeleed u abaabulan ayaa ka jira degmada Kaaraan, iyadoo ay si joogto ah isugu hacaan Ciidamada Booliska.