Sunday, July 27, 2025

Weerar ka dhacay Duleedka Muqdisho oo lagu dilay Askar ka tirsan ciidamada dowladda

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan ay weerar ku qaaday askar ka tirsan ciidamada dowladda oo wata gaari, kuwaasoo la sheegay inay qeyb ka ahaayeen dad ka qeybgalay aaska qaar ka mida dadkii ku dhintay qaraxyadii shalay.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Weydow ee Duleedka Magaalada Muqdisho, halkaasoo kooxda hubeysan ay rasaas ku fureen Gaari ay wateen laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada, waxaana halkaasi lagu dilay laba askari, sida uu sheegay Guddoomiyaha Degaanka Garasbaaleey Ibraahim Maxamed Rooble.

Kooxda dilka geysatay ayaa ka baxsatay oo markii dambe ay gaareen ciidamada amniga oo ku raad joogay kooxda dilka geysatay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON