Friday, July 18, 2025

Weerar lagu dilay askar ka tirsan ciidamada Dowladda oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Koox bistoolado ku hubeysan ayaa fal dil ah ka geystay magaalada Muqdisho xaafadda Warshadda Baastada ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dilkan oo ay sheegatay Xarakada Al-shabaab ayaa  waxaa agu dilay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda iyadoo mid kalena lagu dhaawacay, waxayna wararku sheegayaan in askarigii kale uu dhintay, sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Jarane.

Dadak degaanka ayaa sheegay in askariga dhaawacmay uu rasaas isaga caabiyay dableyda, waxaana goobta ka baxsaday dableydii Al-shabaab ee weerarka geystay.

Falalka dilalka iyo qaraxyada ah ayaa sii xoogeysatay magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada amniga aanay ku guuleysan inay wax ka qabtaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON