Monday, June 30, 2025

Weerar lagu qaaday Saldhig Alshabaab ku lahaayeen Gobolka Sh/Hoose iyo xubno lagu qabtay

Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ayaa sheegay inay howlgal qorsheysan oo lagu qaaday degaanka Dugule ee Gobolka Shabeellaha hoose lagu burburiyay saldhigii Al-Shabaab deegaankaasi ku lahaayeen.

Qoraalka ay Hay’adda NISA ku qortay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Ciidanka amniga ay xalay 5-ta Janaayo ee 2019, howlgal qorshaysan ku qaadeen saldhig ay Alshabab ku leeyihiin deegaanka Dugule, halkaasina lagu burburiyay saldhigoodii, sidoo kalena gacanta lagu dhigay howlwadeen ka tirsan kooxdaasi.

“Ciidanka amniga ayaa habeynimadii 5ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaaday saldhig ay Alshabab ku leeyihiin deegaanka Dugule. Saldhigooda waa la burburiyay, howlwadeen dadka xoolo baad ah ka qaadi jirayna gacanta ayaa lagu soo dhigay..” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Wararka kasoo baxa Hay’adda NISA ayaan wax caddeyn ah la socon, waxayna u badan yihiin howlgallo iyo xubno la soo qabtay oo aan la xaqiijin karin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON