Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar hubeysan lagu qaaday gaari uu la socday taliyaha NISA ee degmada Kaxda.
Weerarka oo Duhurnimadii maanta ka dhacay Xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenley ayaa lagu weeraray Gaariga uu la socday taliyaha Nabad-Sugida degmada Kaxda oo magaciisa lagu soo koobay Qooleey.
Taliyaha ayaa dhaawac kasoo gaaray weerarka, halka lag dilay askari la socday sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada Kaxda.
Dadka degaanka ayaa sheegay in gaari nooca NOAH oo ah wateen Dabley uu rasaas ku furay gaariga kale ee uu la socday taliyaha nabadsugidda degmada Kaxda, waxayna goobta ka baxsadeen weerarkaasi kadib.
Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray kadib weerarka, iyagoo baaritaan ka sameeyay aan lagu guuleysan in laga tago dableyda weerarka geystay.