Tuesday, June 24, 2025

Weerar sababay dhimasho oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku weeraray qof watay gaari nooca raaxada ah.

Weerarka ayaa ka dhacay barqanimadii maanta agagaarka Isbitaalkii Digfeer, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku geeriyooday qofkii weerarka lagu qaaday oo ahaa shacab.

Dableyda weerarka geystay ayaa rasaas xoog leh ku furay qofka shacabka ah oo aan faafhaahin laga bixin, waxayna ka baxsadeen goobta weerarku ka dhacay iyagoo watay gaari kale.

Ma jirto faahfaahin kasoo baxday ciidamada dowladda iyo maamulka degmada Hodon oo ku saabsan weerarka lagu dilay qofka shacabka ah.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON