Friday, July 11, 2025

Weerarka Xabsiga Boosaaso: Maxaabiis baxsatay iyo Taliyihii Jeelka oo la dhaawacay (Faahfaahin)

Koox hubeysan ayaa xalay Saqdii dhexe weerar ku qaaday Xabsiga weyn ee Gaalshiraha magaalada Boosaaso, iyadoo rasaas xoog leh iyo qaraxyo lagu galay xabsiga.

Weerarka xabsiga Boosaaso oo ahaa mid qorsheysan ayaa la sheegay inay ka qeyb qaateen maleeshiyo badan, iyadoo duledka magaalada laga soo riday hoobiyeyaal, isla markaana dagaal xoog leh uu dhex maray ciidiamadii ilaalada xabsiga, ciidamo gurmad ahaa iyo maleeshiyadii weerarka ku qaaday Xabsiga.

Taliyaha Booliska ee qaybta Gobalka Bari ee magaalada Boosaaso, Xuseen Cali Maxamuud oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in weerarka laga hortegay, lana soo afjaray oo xaaladu caadi tahay.

Wuxuu qirtay in askari ka dhintay ciidamada xabsiga, halka laba kale ay dhaawacmeen, sidoo kalena taliyaha Xabsiga uu dhaawac firir ah soo gaaray, aadna u fiican yahay, wuxuuse caddeeyay in maxaabiis laga soo qabtay magaalada oo qaar ay baxsadeen, isla markaana tirokoobku socdo.

Wararka laga helay magaalada Boosaaso ayaa xaqiijinaya inay kooxda weerartay Xabsiga oo Alshabaab ka tirsaneyd ay gudaha u galeen xabsiga, kana sii daayeen maxaabiis badan, isla markaana qaar ka mida maxaabiista ay ehelkooda la xiriireen, una sheegeen inay baxsadeen.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka xalay lagu qaaday Xasbiga magaalada Boosaaso, waxayna War ay soo saartay ku sheegtay inay maxaabiis uga xirnaa xabsiga kasii deysay.

Maleeshiyada weerarka ku qaaday Xasbiga weyn ee magaalada Boosaaso ayaa la sheegay inay ku dhowaadeen 100, isla markaana weerarkoodu ahaa mid xoog leh oo. aanhore loo arag, iyadoo arrintan noqoneyso fashil weyn oo dhinaca amniga ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON