Friday, March 29, 2024

Weerarkii Xuuthiyiinta Yeman oo sababay inuu joogsado kala-bar Shidaalka Sacuudigu soo saari jiray

Dowladda Sacuudiga ayaa ayaa joojisay kala bar shidaalkii ay soo saari jirtay, kadib weerarkii Xuuthiyiinta Yeman shalay ku qaadeen xarumaha waaweyn ee shidaalka Shirakadda Aramco, Bariga Sacuudiga.

Waxaa la xaqiijiyey in in 10 diyaaradood oo nooca Drone-ka ah lagu weerarray xarumaha shidaalka lagu sideeyo ee magaalada Abqaiq, taasoo dhalisay dab xoog leh oo qabsaday warshadaha ugu waaweyn dunida ee shidaalka lagu habeeyo. waxaana Wasaaradda Tamarta Sacuudiga ayaa sheegtay inay hoos u dhigtay soo saaristii shidaalka 5.7 Milyan oo Barmiil maalin waliba, kadib qasaare weyn oo gaartay shirkadda iyo xarumaheeda.

Sacuudiga ayaa maalin waliba soo saari jiray shidaal dhan 10 milyan oo Barmiil, iyadoo hadda ay soo baxday in hagaajinta qasaaraha ka dhashay weerarka ay qaadan doonto in lagu hagaajiyo toddobaadyo, halkii markii hore la sheegay inay qaadan karto maalmo.

Ad

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku eedeeyay dalka Iiraan inuu ka danbeeyay weerarka lagu qaaday xarumaha shidaalka Sacuudiga, iyadoo madaxweyne Trump uu khadka Telefoonka kula hadlay Dhaxalsugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON