Dowladda Somaliya ayaa shaacisay in Ciidamada Xoogga Dalka oo taageero ka helaya howgalka Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan oo Cirka iyo dhulka maanta ka fuliyey degaanada Gal-Libaax iyo Ceel Qurac oo ka tirsan xadka gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe.
Goobaha la weerraray ayaa la sheegay inay isku uruursanayeen Al-shabaab, waxaana qoraalka lagu sheegay in howlgalka lagu dilay ku dhowaad 100 tirsan Khawaarijta Alshabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal, iyadoo isla markaana hawlgalkaa lagu burburiyay goobtii ay dhagarta ku maleegayeen cadowga.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Qaranka oo gacan ka siisay hawlgalkan lagu burburiyay qowleysatada Khawaarijta ah ee isku uruursanayay dhibaataynta dadka Soomaaliyeed”. ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Federaalka.
Ma jirto cid madax bannaan oo xaqiijisay tirada dhimashada weerraradii dhacay, iyadoo Taliska Mareykanka ee Africom aanu wax war ah kasoo saarin weli duqeymaha uu ka fuliyay Soomaaliya.
Weerarkan ayaa qeyb ka ahaa hawlgallo joogto ah oo ay ugu dambeeyeen kuwii ka dhacay Budbud iyo Weel-Maarow halkaas oo lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan Alshabaab.