Weriye C/llaahi Kulmiye Caddow oo maanta laga sii daayey xabsiga Godka Jilacow oo uu muddo 5 maalin ku dhowaad ah ku jiray ayaa ka hadlay sidii loo qabtay.
Wuxuu sheegay in ciidamada dharcadka NISA oo ay wehliyaan iyo ciidamada xafiiska Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay guriga usoo jebiyeen, markii uu diiday inuu guriga furo, kadibna gaari lagu kaxeystay iyadoo ay hareero joogeen Ra’iisal wasaare Rooble.
Weriye C/llaahi Kulmiye oo wareysi siiyey Somali Cable TV ayaa sheegay inaan wax jirdil ah loo geysan, baaritaan lagu sameeyay, waxna laga weydiiyey wareysiga uu la yeeshay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, isaguna aan u ogeyn wax shuruud ah oo lagu xiray sii deyntiisa, balse ay jiri karaan.
Xarigiisa ayuu sheegay inuu astaan u yahay dowladda jirta inay wixii ay doonto dadka ku sameyneyso sharci darro, iyadoo balantu ahayd in subaxnimada tago xarunta NISA, habeenkii lasoo weerarray, dowladuna ay diiday inay ka hadasho sababta ay tacadiga ugu geysteen iyo sharci darrada ay kula kaceen.
