Friday, June 27, 2025

Weriye la shaqeeya Ciidamada Dowladda oo ku dhintay Qaraxii Alshabab ku qaadeen Awdheegle

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weriye sawir-qaade ah oo la howlgala ciidamada Dowladda uu ku dhintay Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay degmada Awdheegle ee Gobolka Sh/Hoose.

Sawir-qaadaha ayaa la sheegay inuu la howlgalo ciidamada, laguna magacaabo Gacal Cabdulle, kaasoo u dhintay qaraxii ugu horeeyay ee is-miidaaminta ahaa oo saaka ka dhacay xarunta ciidamada degmada Awdheegle, kadib weerar ay Alshabaab ku qaadeen halkaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo madaxda Maamulka Gobolka Sh/Hoose ayaa laga soo xigtay xaqiijinta weerarka iyo inuu ku dhintay Camera-man lagu Magacaabo Gacal Cabdulle oo ka tirsanaa Warbaahinta ee Booliska Soomaaliya, kana mida idaacadda ciidamada dowladda.

Qasaaraha weerarka iyo faafhaahinta ku saabsan dagaalka ka dhacay Awdhgeele ayaa hadda uun soo baxeysa, iyadoo xaaladda ay tahay cakiran. Wararka ayaa sheegaya in saddex askari ay uga dhinteen ciidamada dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON