Wiil 17 sano jir ah oo ka mida ardayda Dugsi sare oo ku yaalla gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa weerar uu ku qaaday saaxiibadiis ku dilay 10 qof oo u badan ardaydii saaxiibada la ahaa.
Wiilkan oo lagu magacaabo Dimitrios ‘Dimitri’ Pagourtzis, ayaa rasaas ku furay dugsiga sare ee Santa Fe oo ku yaalla gobolka Texas ee dalkan Mareykanka. Waxaana wiilkan qabtay Booliska isagoo su’aalo la weydiinayo.
Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrantay in dadka dhintay ay u badan yihiin arday wax ka baraneysay iskuulka ay toogashada ka dhacday. Taliyaha ciidamada deegaanka Harris, Ed Gonzalez ayaa sheegay in hal ruux ay u xireen dhacdadani.