Wednesday, June 25, 2025

Wiil Arday ah oo lagu dilay Magaalada Garowe & Askar Dilkiisa ka dambeysay oo la qabtay

Wiil arday ah oo jaamacad dhigta ayaa xalay lagu dilay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, kadib markii koox hubeysan ay dhac u geysteen, kadibna toogteen.

Wiilka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Yaxye Cabdirisaaq Xaaji, wuxuuna dhiganayey Jaamacadda Bosaso University, faraceeda magaalada Garoowe, gaar ahaan kulliyadda Caafimaadka, sida ay sheegeen eheladiisa.

Falka dilka ardayga ayaa waxaa geystay rag ku lebbisan dareyska ciidamada Puntland, waxayna ka qaateen telefoonnadii Mobile-da ee ay wareen wiilka iyo gabar la socotay, iyadoo kadib baxsaday.

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in raggii ka dabeeyay falkaasi gacanta lagu soo dhigay, sida laga soo xigtay taliyaha Saldhiga Dhexe ee Garoowe Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) oo shaaciyey in ragga loo qabtay dilka ardauga ay yihiin askar ka tirsan Booliiska oo ka baxay saldhiga Dhexe ee Garoowe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON