Friday, July 11, 2025

Wiil dhalinyarro ah oo lagu dilay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in nin hubeysan uu toogasho ku dilay wiil dhalinyarro ah, iyadoo kadibna ay baxsadeen.

Dilka ayaa ka dhacay Degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, waxaana wiilka dhalinyarrada ah ee la dilay magaciisa lagu sheega Suldaan Ismaaciil Shuu oo ahaa wiil si weyn looga yiqiinay degmada. warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka wiilka oo dadka degaanka ay sheegeen inuu dilkiisa ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Waa dilkii ugu horeeyay ee muddooyinkan danbe ka dhaca magaalada Muqdisho, kadib howlgal amni oo ay qaadeen ciidamada Booliska, iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay wiilkan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON