Mid ka mida dhaawacyadii shalay ku waxyeeloobay qarixii Suuqa Kaawa-Godey ee magaalada Muqdisho ayaa ka ilmeysiiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Wiil ka mida dadkii dhaawaca ayaa ee uu xalay ku booqday madaxweyne Farmaajo Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa isbedel weyn oo caadifi ah ku ku abuuray madaxweynaha kadib markii hadal qiiro leh ku yiri kaasoo aanu fileyn.
Ereyadii wiilka ayaa ahaa sidan “…Madaxwayne waxaan raali ku ahay dhib adiga lagula damacsana inaan aniga ku dhaawacmo, adigana aad ii nabad qabto si aad dadka kale uga dhiciso caddowga, waxaan kaloo ku faraxsanahay inaad xilligaan isbitaalka nagu soo booqato oo aad Illaahay caafimaad nooga rajeyso”.
Dadkii la socday madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay indhihiisa ilin kusoo joogsatay, isagoo ay saameyn xoog leh ku yeelatay ereyada culus ee wiilka dhaawaca ah, kuwaasoo ka tarjumaya heerka ay gaarsiisan tahay rajada laga qabo madaxweynaha
Madaxweyne Farmaajo ayaa kadib amar ku bixiyay in in dhaawacyada darran loo qaado dibadda si loogu soo dabiibo.
Goobjooge.com