Maxamed C/raxmaan Cumar Cusmaan waa wiil uu dhalay guddoomiyihii hore ee G/Banaadir, wuxuuna taageero aad u weyn ka helay kumanaan Soomaali iyo Ajnabi oo farriimo tacsi ah ku harqiyey boggiisa twitterka, kadib markii uu qoraal tacsi ah soo dhigay boggiisa twitter-ka.
Maxamed iyo Qoyskiisa oo ku noolaa dalka UK ayaan weligiis imaan Soomaaliya, isagoo ka qalin jebiyey Jaamacadda Queen Mary University ee magaalada London, isagoo ka qaatay shahaadda MBA, wuxuuna sidoo kale ka baxay Akadeemiyadda Boqor Fahad ee magaalada London.
Maxamed C/raxmaan Yariisow oo ah wiilka ugu weyn caruurta Allaha u naxariistee C/raxmaan Yariisow waxaa kumanaan jeer farriimo tacsi ah u diray dad kala jooga caalamka oo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi oo aqoon u lahaa aabihiis, kuna sifeeyay wadani, daacad iyo aqoonyahan naftiisa u huray dalkiisa, waxaana weli boggiisa buuxiyey farriimaha tacsiga ah, kadib markii uu soo dhigay farriinta soo socota:
“Innaa lillaahi wa Inaa Ileyhi raajicuun ….. Dadka Muqdisho waxay waayeen Guddoomiyahoodii.. Laakiin Anigana waxaan waayey aabahay.. Allaha ka waraabiyo Jannada ta ugu sareysa..” Mohmed Abdirahman Omar.
Qoyska uu ka geeriyooday marxuum C/raxmaan Yariisow ayaa ka kooban 2 wiil, shan gabdhood iyo hooyadood, waxaana la filayaa inay Berri yimaadaan magaalada Muqdisho.