Thursday, March 28, 2024

Meydka Marxuum Yariisow oo Berri la keenayo magaalada Muqdisho iyo Aaskiisa oo ka dhacaya..

Iyadoo lagu jiro qabanqaabada aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, ahaana duqa magaalada Muqdisho Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa la sheegay in meydkiisa dalka la keenayo maalinta sabtida ah ee Berri.

Guddoomiye Yariisow oo ku dhaawacamay qarax xarunta maamulkiisa ee degmada Xamarweyne ka dhacay 24-kii July 2019 ayaa ku geeriyooday isbitaalka Hamad ee magaalada Doha oo loo geeyay dhaawac culus oo kasoo qaaday caoosha iyo madaxa, waxaana xukuumadda Somalia ay magacawday Guddi qabanqaabiya aaska Qaran ee loo sameynayo.

Diyaarad gaar ahaa ayaa kasoo qaadi doonta magaalada Doha meydka Marxuum Yariisow, iyadoo ay soo raaci doonaan qoyskiisa oo ku sugnaa magaalada Doha iyo safiirka Somalia ee dalka Qatar, waxaana salaadda Janaasadda lagula tukan doonaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo kadibna lagu aasi doono xarunta Dugsiga Sare ee Booliska Jen, Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Ad

Dowladda Somalia ayaan weli soo bandhigin faahfaahin qaraxa ka dhacay xarunta G/banaadir iyo ciddii ka danbeyay, iyadoo su’aalo badan la iska weydiinayo sida qaraxaasi uga dhacay gudaha xarunta maamulka Gobolka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON