Monday, July 14, 2025

Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo Geeriyooday Markii Wadnuhu istaagay..

Wararka laga helayo dalka Masar ayaa sheegaya in wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa si lama filaan ah u geeriyooday markii Wadnuhu istaagay magaalada Jiza ee Koonfurta magaalada Qaahira.

Wiilkan oo lagu magacaabo Cabdalla Maxamed Mursi ayaa ahaa wiilka yar ee uu dhalay madaxweynihii hore, waxayna geeridiisa timid isagoo gaari wata markii xaalad caafimaad darro ku timid, daqiiqado yar kadib markii la geeyay isbitaalka magaalada Jiza ee duleedka caasimadda Qaahir ayuuna geeriyooday, kadib markii wadnuhu istaagay.

Cabdalla Maxamed Mursi ayaa ahaa wiil dhalinyarrro 20 jir ah, waxaana hore si khalad ah loogu soo eedeeyay arrimo la xiriira mukhaadaraad oo markii danbe lagu waayey isagoo dhowr jeer la xiray, wuxuuna si weyn u difaaci jiray aabihiis Maxamed Mursi oo ku geeriyooday maxkamad dhexdeed bishii June, wuxuuna ahaa madaxweynihii ugu horeeyay shacabka Masar ay doorasho xor ah ku doortaan.

Geerida Wiilkan waxaa xaqiijiyay wiilka ka weyn ee lagu magacaabo Axmed Maxamed Mursi iyo Qoyska Maxamed Mursi, waxaana si weyn looga hadal hayaa dalka Masar. Da’diisa yar iyo sida uu uga horjeeday dowladda dalkaasi ayaa keentay in geeridiisa ay saameyn weyn yeelato.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON