Friday, June 27, 2025

Wiilal dhalinyarro ah oo Caawa toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan ayaa caawa dil ka fuliyay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Dalbeyda oo ku hubeysaa Bistoolado ayaa xaafada Koodka ee degmada Xamar-weyne toogasho ku dilay  laba wiil  dhalinyaro oo ka mid ahaayeen dhalinyarrada xaafadda, waxaana dilkooda aad uga naxay dadka degaankaasi oo sheegay inay ahaayeen wiilal aan waxba galabsan.

Dadkadegaanka ayaa sheegay in raggii dilka geystay ay degdeg uga baxsadeen goobtainta aysan soo gaarin Ciidamada ammaanka dowladda oo watay Gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka labada dhalinyarro.

Ciidamada ammaanka ayaa markaas kadib baaritaan ka sameeyay xaafadda dilku ka dhacay ee degmada Xamrweyne, waxaana la qabtay dhowr dhalinyaro ah oo goobta ka dhowaa, inkastoo aan la ogeyn inay xiriir la leeyihiin falka dilka ah.

Wararka ee laga helay degaanka ayaa sheegaya in mid kamida dhalinyarrada la dilay uu dhowaan dibadda ka yimid, halka midka kale uu ahaa macalin Dugsi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON