Sunday, July 13, 2025

“Wixii aan ka diidnay Farmaajo ka yeeli meyno Rooble..” Go’aan Culus oo uu qaatay C/raxman C/shakuur

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay qaabka ay xukuumadda u kala saartay Guddiyadii cabashada laga qabay ee Doorashada, isagoo sheegay inay weli ka buuxaan xubno ka mida Dhar-cadka NISA.

Shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ayuu ku sheegay inay la yaabeen markii ay maqleen in la kala shaandheeyay Guddigii oo laga saaray xubnihii la isku khilaafsanaa, balse ay sugayeen in laga doodo oo wax la iska weydiiyo, ayna xukuumaddu tixgeliso dadka cabashada ka qaba ee aysan xukuumadii iyadu magacawday ay haddana iyadii keligeed kala shaandheysato.

“Wixii shalay laga diiday Farmaajo suuragal maaha in maanta laga yeelo xukuumadda ama Ra’iisal wasaaraha.. waa in wax waliba si daah furnaan ah u dhacaan, qaabka loo marayo la isla ogyahay.. weli madaxweynaha xilkiisii dhammaaday inay hay’adiisii Nabadsugidda ka taliso Doorashada waa nasiib darro” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Wuxuu caddeeyay inay Guddiyada weli ku jiraan xubnihii NISA ee dharcadka, isla markaana aysan raali ka noqon karin doorasho ay NISA wadato oo madaxweynihii xilka ka dhamaaday loo maamulayo, isagoo Ra’iisal wasaaraha ugu baaqay inuu kasoo baxo kalsoonidii la siiyey.

Liiskii xubnaha Guddiga ee ay gudiyeen ayuu sheegay inay xukuumadu shaacisay, isagoo ahaa mid sir ah, kadibna ay hadda qarisay xubnaha laga saaray liiskii la gudbiyey, iyadoo aan la ogeyn habka loo maray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON