Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Galmudug, isagoo ku baaqay in shir dib u heshiisiin ah ay isugu yimaadaan dhinacyada Galmudug.
Qoraalka Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay faragelin qaawan ku heyso Galmudug, ayna musuqmaasuqday Odayaashii dhaqanka Galmudug, soona magacawday Guddi farsamo oo agaasimeyaal ah oo soo saaray liis xildhibaanno ah shaqaale dowladeed, darawaliin iyo ilaalada madaxda Qaranka, kadibna lagu xirtay Guri ku yaalla magaalada Dhuusamareeb sida uu yiri.
Xaaf ayaa soo dhoweeyay musharixiinta shaaciyey inaysan ka qeybgaleynin Doorashada madaxweynaha Galmudug iyo Ahlu suna oo uu sheegay in looga baxay heshiiskii lala galey, wuxuuna ugu baaqay in la joojiyo howsha ka socota Dhuusamreeb oo la isugu yimaadaan shir uu isago qabanqaabinayo.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
