Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xilligan ku dhow inuu galo magaalada Caddaado, isagoo soo maray dhinaca dhulka safar uu uga soo anbabaxay magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo ku sugnaa magaalada Cadaado ayaa degaanka Godinlabe uga hortegay, kuna soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo ay taasi ahayn tallaabo hore loo qaaday oo lama filaan ahayd.
Ra’iisul Wasaare Kehyre, Madaxweyne Xaaf iyo xubnaha labada gole ee las ocda ayaa hadda ku dhow magaalada Cadaado, iyadoo si weyn loogu diyaar garoobay soo dhoweyntiisa.