Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo hadda fadhigiisu ahay Koonfurta Gaalkacyo ayaa xilkii ka qaaday Duqii magaalada Gaalkacyo, isla markaana kala diray Golihii degaanka ee magaalada.
Wareegto kasoo baxay Axmed Ducaale Xaaf ayaa lagu magacaabay Gole cusub iyo duq magaalo, taasoo ay ku gacan seyreen Duqa iyo golaha degaanka Gaalkacyo. Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin xilka qaadista ka timid Madaxweyne Xaaf oo aanu awood u lahayn xilligan inuu xil magacaabo.
Duqa degmada Gaalkacyo Xiesi Yuusuf Barre ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna taageeray dowladda Federaalka iyo musharaxa ay wadato ee xilka madaxweynaha, Waxayna arrintaasi keentay inuu Xaaf ka qaado xilka.
Madaxweyne Xaaf oo maamul cusub oo barbar socda Galmudug-ta dhismaheedu ka socdo magaalada Dhuusamareeb ka waday Koonfurta Gaalkacyo ayaa hadda wajahaya caqabado badan iyo taageero la’aan ka heysata beelaha iyo maamullada degaanka uu kasoo jeedo.