Thursday, July 3, 2025

Xaafad ka mida Muqdisho oo la xiray kadib markii lagu arkay Waxyaabo Qarxa

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay xireen xaafadda 21-ka Marso ee degmada Waaberi kadib markii lagu arkay waxyaabo qarxa.

Ciidamada ayaa xiray wadadda isku xirta isgoyska KM 4 iyo Afisyoone kadib markii laga war helay Miino waxaana loo diiday gaadiidka iyo dadka, iyadoo ciidamada qaabilsan miinooyinka loogu yeeray.

Dadka degaanka ayaa sheegay waxyaabaha qarxa, kadibna ku wargeliyay ciidamada, taasoo keentay in saaka aroor hore laga howlgalo, iyadoo ay Muqdisho  ka socdaan howlgallada lagu sugayo ammaanka caasimadda.

Ciidamada dowladda ayaa markii dambe qarxiyay miinada iyadoo aan wax qasaare ah geysan, waxaana dib loo furay jidkii xirnaa.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON