Wednesday, June 25, 2025

Xaalad adag oo soo wajahday Howshii Guddiga Doorashada Dadban ee Soomaaliya [WARBIXIN]

Xaalad halis ah ayaa soo wajahday doorashada 2016 oo ka dhalatay, kadib markii howlaha Guddiga Doorashada dadban ay gaabis u noqdeen dhaqaale la’aan.

Guddigan oo hore u soo saaray in geedi socodka doorashada uu bilaaban doono 10-ka Ogost ayaa awoodi waayay inay  fuliyaan jadwalkooda shaqo kadib markii dowlada Federaalka ay sheegtay inaysan wax lacag ah ka helin beesha caalamka.

Dhaqaalaha loogu talogalay Doorashada oo ka dhaceysa lix goobood ayaa lagu qiyaasay 12 Milyan oo Doolar oo inteeda badan ay bixineyso Beesha caalamka, laakiin lacagtaasi ayaa loo sheegay madaxda Soomaalida inay diyaar noqon karin bilaha dhow.

Dowladda Federaalka ayaa lacag gaareysa 1 Milyan oo Doolar kaliya u diyaarisay Doorashooyinka 2016, waxayna arrintan dhalisay in habac kale soo galo howlihii doorashada. Guddiga Doorashada ayaa ku adkeysanaya inay waqtigii loogu talogalay ku dhaceyso Doorashada taasoo dhaqaale la’aan aan suuragal ahayn.

Madaxa Hay’adda UNDP oo Muqdisho timid ayaa arrintan kala hadashay madaxda sare ee dowladda iyadoo aan wax horumar ah laga gaarin arrintan, waxaana dowladda federaalka aanay weli gudbin miisaaniyad faahfaahsan oo beesha caalmak ka dalbatay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON