Thursday, April 18, 2024

Xaalad Adag oo soo wajahday Sacdiya Yaasiin iyo Qaar ka mida Culimada oo ay la kulantay

Xaalad adag oo siyaasadeed iyo mid bulsho ayaa soo wajahday Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, kadib hadallo kasoo yeeray oo ay ku taageersan Xeerka muranka badan ka taagan tahay e Jinsiga iyo weerar ay ku qaaday culimada.

Siyaasiyiin, xildhibanano iyo culimo badan ayaa si weyn u dhaliilay Xildhibaan Sacdiya oo ka mida guddoonka Baarlamaanka, waxaana socda qorshe bilow ah oo la doonayo in mooshin xil ka qaadis ah looga keeno.

Dhinaca kale Sacdiya Yaasiin maanta oo Jimce ahay kulan gaara la qaadatay qaar ka mid Culimada magaalada Muqdisho, iyadoo u sharaxday hadalkii ay ka jeedisay  daah-furka ololihii 16-ka maalmood ee Tacadiyadda ka dhanka ah Haweenka & Carruurta.

Ad

Waxay beenisay inaysan ka hadlin arrinta Qowmu-luud, iyaduna ay diidaneyd xeerkii jinsiga ee Baarlamaanka la hor keenay, taasina markhaati loo hayo, waxayna iska fogeysay waxyaabaha looga faadfinayo baraha bulshada.

Guddoomiye ku xigenka Baarlamaanka Sacdiyo Yaasiin ayaa sheegtay inay wajahyso hanjabaadyo toos ah iyo weerarro lagu hayo, waxayna caddeysay inay diyaar u tahay ilaalinta Shuruucda dalka iyo diinteena Suuban.

Marka laga soo tago Xeerka Jinsiga oo lagu eedeeyay inay taageereyso, waxaa Sacdiya Yaasiin olole iyo weerar weyn ku haya taageerayaasha Farmaajo oo xaaladan uga faa’iideysanaya Colaad siyaasadeed oo hore uga dhaxeeyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON