Shaki iyo xaalad hubanti la’aan ah ayaa hareysay kulan uu guddoonka Baarlamaanka ee xilligiisu dhammaaday maanta isugu yeeray xildhibannada Golaha Shacabka oo la sheegay in looga hadlayo Xaaladda Covid-19.
Xildhibaannada Mucaaradka ayaa is cad u sheegay in kulankan uu yahay mid qorshe gaara laga wato laguna doonayo in muddo kordhin loogu samaeyo hay’adaha dowladda Federaalka iyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, kana digay in arrintaasi ay dalka u horseedi doonto qalalaase.
Kulanka ayaa imaanaya iyadoo shalay galab ay Muqdisho shir ku yeesheen xildhibaannada taageersan Maxamed Farmaajo, kuwaasoo qaarkood sheegay inay muddo kordhin sameynayaan, waxaana shakiga sii kordhiyey ajendaha shirka ee Covid-19 oo aan lasoo marin guddigii qaabilsanaa.
Xildhibaan Luul Cabdi Aadan oo ka mida taageerayaasha Farmaajo ayaa laga so xigtay inay kulankii shalay ka tiri: “2 Sano ayaan rabnaa inaan Ku darsano Anaga , runtaan kuu sheegaayaa” .
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa farriintan diray kadib farriinta Guddoonka Golaha shacabka: Dulqaadka Xildhibaanada in qalad loo fahmo ee maalin walba qorshe Farmaajo gadaal ka riixayo Golaha Shacabka lala hor yimaado waa ceeb iyo foolxumo. Mana aqbalayno!
Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo arrintan ka hadlay ayaa qoraal uu soo diray ku yiri: “Fariinta loo diray xubnaha xilgaarsiinta ee Golaha Shacabka waa fariin Xanbaarasan Muddo kordhin uu gadaal ka riixayo Maxadaweynihi waqtigiisu dhamaaday waana isku daygi ugu danbeeyay ee Farmaajo uu ku doonayo in uu Villa Somalia kusii joogo Balse Waxaan leeyahay iimaanka allah ha idin geliyo asiga iyo inta ku fikirka ahba umadana ka hor qaada isbaarada siyaasadeed waana in uu dalku aado doorasho”.
Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka tirsan xildhibannada mucaaradka ayaa iska ka digay muddo kororsi: “Fariintaan waxaa ku dhex qarsoon fariin kale “MUDDO KORORSI” hadii u jeedka uu yahay COVID-19 Golaha wuxuu Lee yahay Habraaciyo la soo marsiiyo Ajendiyaasha ka hor inta aan Golaha la hor keenin.Guddiga Caafimaadka ayaa marka Hore ka soo doodi lahaa, majirto meel ay uga soo doodeen. Gudoomiye Mursal Waxaa muuqata inuu Ku sii siqaayo Taariikh Mugdi ah, hadii uu Berri Halkaas La Soo istaago Muddo kororsi kumana guuleeysan doono Diiwaankana waa u geli doonta”.
Waxaa kaloo arrintan ka hadlay xildhibaan Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi oo sheegay inuu jiro shaki badan oo kulanka maanta ku saabsan: “Ma garan karo in la yiraahdo Covid-19 ayaa laga doodayaa.. waxay ahayd in lasoo maro Guddiga Arrimaha bulshada. Shaki badan ayaa jira in loo socdo muddo kordhin madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.. dad ayaa balaayo u bir tumaaya… Baarlamaankan laftiisa ayaa muddo gaarsiin ah…Guddoonku uma sahlana inuu muddo kordhin ku dhawaaqo.. Haddii ay dhacdo waxaa cad inuu yahay inqilaab dastuuri ah; wax caqli geli kara maaha.. ma qabo inuu ku dhiiran karo guddoomiyaha Baarlamaanka”.
