Thursday, June 26, 2025

Xaalad milateri oo ka jirta magaalada Beledweyne iyo Dad badan oo lagu xirxiray (Wararkii ugu danbeeyay)

Wararka laga helayo magaalada Beledwweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo badan lagu dadiyey magaalada oo bandow laga dhigay iyadoo howlgal milateri oo weyn uu ka socdo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ku dhaqaaqay howlgal lagu go’doomiyey magaalada, iyadoo dad ka badan 50 ruux lagu qabqabtay gudaha magaalada, waxaana dadka la xirxiray ka mida xubno ka mida Jabhadda Jeneraal Xuud, sida C/raxmaan Xuubey oo ahaa afayeenki jabhada, Ganacsato, weriyeyaal iyo dad kale.

Howlgalkan ayaa imaanaya iyadoo muddo bil ah uu magaalada ku sugan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax oo kulan u dhowaan la yeeshay saraakiisha Amniga lagu g’aamiyey howlgalkan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in kooxo dhalinyaro ah ay bilaabeen bannaanbax ay uga horjeedaan dadka lagu xirxiray, waxaana dadkaasi rasas u adeegsaday ciidamada amniga oo dhaawacay 3 ruux .

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON