Cadaadis aan hore loo arag iyo xaalad adag ayaa soo wajahay madaxweynaha xilka kasii degaya ee Mareykanka Donald Trump, kadib markii taageerayaahiis ay ku qamaameen Xarunta Koongareeska Mareykanka, ayna halis heliyeen mudayaasha labada Aqal ee dalkaasi oo ku dhex jiray kulan ay ku ansixinayaan doorashada Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden.
Trump ayaa lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay weerarka taageerayaashiisa ku qaadeen Koongareeska, wuxuuna hadda wajahayaa is-casilaadd ka imaaneysa la-taliyeyaasha iyo wasiiradiisa, baaq ku wajahan in mar kale la casilo ama xilka uu kala wareego madaxweyne ku xigeenka Mike Pence, lana dhaqan geliyo wax-ka-bedelka qodobka 25-aad ee Dastuurka Mareykanka.
Iyadoo labada toddobaad ee ka harsan xukunkiisa la sheegay inuusan u qalmin madaxweyne uu kasii ahaado Mareykanka ayaa laga cabsi qabaa inuu ku dhaqaaqo tallaabo halis gelisa Amniga sida inuu weerar indho la’aan ah ku qaado Iran.
Warbaahinta Mareykanka ayaa werineysa in Madaxweyne Trump uu ka fekerayo inuu is cafiyo, oo soo saaro xeer uu naftiisa ku cafinayo, taasoo noqon doonta markii ugu horeysay taariikhda Mareykanka oo madaxweyne xil haya uu isagu cafis isu fidiyo.
Dagaalkii uu Madaxweyne Trump kula jiray natiijada Doorashada madaxweynaha ee uu uga guuleystay Joe Biden ayuu ugu danbeyn ku waayey dhammaan wixii taageero ahaa ee ay u hayeen madaxda xisbigiisa oo ka hor yimid in la diido natiijada Doorashada, swuxuuna hadda ku jiraa go’doonkii ugu xumaa noloshiisa siyaasadeed.
Muuqaalkii ugu danbeeyay ee madaxweyne Trump ayuu ku sheegay inuu aqbalay natiijada doorashada oo si sharci ah uu xilka ku wareejin doono, wuxuuna cambaareeyay falkii taageerayaashiisa ku galeen xarunta Koongareeska.
Marka laga soo tago culeysyada siyaasdeed madaxweyne Trump waxaa laga joojiyey inuu adeegsado barta Facebook inta ka dhiman xilkiisa, halka Twitter ay muddo 12 saacadood ah xayirtay bartiisa, ayna ku hanjabtay inay sii xayirnaan doonto bartiisa haddii aan laga saarin saddex farriim oo la sheegay inay taageerayaan taageerayaashiisii weerraray Xarunta Koongareeska.
