Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku qulqulaya fadhiga maanta ee Baarlamaanka oo la filayo in lagu ansixiyo 4-ta cusub ee ugu horeysa Dastuurka dalka.
Kulankan oo xasaasi ah ayaa keenay in amniga caasimadda si weyn loo sugo, isla markaana ciidamo badan la dhigo wadooyinka magaalada, iyadoo xildhibaannada taageersan ansixinta dastuurka ay kusoo hormareen xarunta Villa Hargeysa.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Tirada Kooramka xildhibaanada ee labada aqal la helay, ayna xarunta ku sugan yihiin xildhibaanno ku dhow 250, balse guddoonka Baarlamaanka isu diyaarinayo in fadhiga uu ku furmo tirada ugu badan ee xildhibaannada.
Qaar ka mida xildhibaannada Mucaaradka ee diidan qaabka loo qoray afarta cusub ee maanta la ansixinayo ayaa laga cabsi qabaa inay buuq iyo fowdo ka sameeyaan fadhiga, balse Guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa ka go’an inuu meel mariyo codeynta.
Xildhibaannada labada dhinac ayaa tan iyo shalay Baraha bulshada u baahinayay farriimo iska horjeeda oo ku saabsan ansixinta iyo diidmada Dastuurka, waxaana mucaaradka hoggaaminaya madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyi Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Goor dhow ayaa lagu wadaa inuu furmo fadhiga xasaasi ah ee ansixinta 4-ta cusub ee ugu horeeya Dastuurka KMG ah.