Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa laga masaafurinayaa xaasaska iyo caruurta ragga ka tirsan Alshabaab ee magaaladaasi ku nool, sida uu maamuka degmadaasi amar ku bixiyey.
Wararka laga helayo Beledaaawo ayaa sheegaya in la amray xaasaska ragga Al-Shabaab iyo carruurtooda inay isaga baxaan magaalada. Guddoomiyaha Beledxawo Maxamuud Xayd Cismaan ayaa sheegay inuu maamulkooda bixiyey amarka lagu musaafirinayo xaasaska iyo carruurta Al-Shabaab ee ku nool Beledxaawo.
Dadka degaanka ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay la hadleen Ganacsatada iyo Odayaasha Beledxawo, iyagoo ka dalbaday inuu maamulka ka laabto amarkaasi ama ay jawaab adag ka bixi doonaan muddo maalmo gudahood ah.
Markii lagu guuleysan waayey xal loo helo arrintan ayaa la sheegay in Al-Shabaab go’aan ku gaareen inay go’doomiyaan magaalada Beledxaawo, waxaana magaalada u furan oo kaliya dhinacyada Kenya & Itoobiya marka uu dhaqangalo go’aanka Alshabaab.