Friday, June 27, 2025

Xaflad lagu saxiixay Midowga Baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusuna oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb [Sawirro]

Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa looga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo uu noqday  baarlamaanka ugu ballaaran maamullada dalka, iyagoo gaaray 178 xildhibaan.

Munaasabaddii lagu soo bandhigay Xildhibaanada uu soo magacaabay maamulka Ahlu suna oo gaaraya 89 xildhibaan ayaa caawa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, waxaana madashada  ka hadlay madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan iyo madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Liiska xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ku matalaya maamulki Ahlusuna ayaa waxaa saxiixay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo madaxa xukuumada maamulkaasi Shiikh Shaakir .

Madaxa xukuumada Galmudug  Sheekh Maxamed Shaakir sheegay in lagu guuleeystay isku dhafka xildhibaanada ayna tahay hormar lagu talaabsaday. Wuxuu sheegay  in Galmudug ay israacday hadda waxii ka dambeeyana loo baahan yahay in la iska xoreeyo cadowga Galmudug

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa sheegay in tani tahay dhameystirka heshiiska labada Maamul, wuxuuna tilmaamay in uu dhaqan galay balanqaadkii ay sameeyeen isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya, ee ahaa in Baarlamaanka Galmudug ay ku shaqeeyaan xaruntooda Cadaado.

      

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON