Saturday, June 28, 2025

Xaflad lagu taageerayo musharaxnimada Xasan Sheekh oo caawa ka socota Muqdisho [in ka badan 100 oo ku sugan]

Xaflad lagu taageerayo musharaxnimada Xasan Sheekh Maxamuud ee xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa ka socota magaalada Muqdisho.

Xafladan ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka iyadoo lagu wadao inay gaaraan ilaa 180 sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaasha xafladda.

Kulankan oo ka dhacaya Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho waxaa ku sugan madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale u ordaya in din loo dooro, waxaana garab fadhiya madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, waxaa kaloo xafladda ku sugan madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Dadkii xafladda ka hadlay waxaa ka mida Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo si buuxda u taageeray musharaxnimada Xasan isagoo sheegay in qof cusub oo xilka loo dooro uu keeni karo dib u dhac sanad ah iyo la qabsi la’aan xafiiska.

Waxaa kaloo xaflada ka hadlay Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo isna si buuxda u taageeray waxqabadka dowladii uu hogaaminayay ee afarta sano xilka heysay, wuxuuna sheegay inuu mudan yahay fursad kale oo la siiyo.

C/llaahi Fartaag oo ka mida Aqalk sare ayaa codkiisa ku biiriyay taageerada dib u doorashada Xasan Sheekh isagoo sheegay mas’uul cusub oo wax war ah ka heynin wixii la soo maray iyo xaalada lagu sugan yahay inuu dib u dhac ku keeni karo howlihii qabyada ahaa.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa taageeradiis ka sokow suugaan loo riyaaqay ka jeediyay halkaasi, wuxuuna sheegay si la yaab leh u difaacay dib u doorashada Xasan Sheekh, isagoo si weyn uga qosliyay dadkii shirka ku sugnaa.

Muuse Suudi ayaa iska kulanka ka hadlay, wuxuuna sheegay in xaalad adag la soo maray isla markaana dalka dhan la gaarsiiyay dhismaha maamul goboleedyo, wuxuuna fasiray halheyska Xasan Sheekh ee  ah: QABYO NINKEEDA DHAMEYSTIRA.

Ugu danbeyn waxa khudbad dheer ka jeeiyay musharax Xasan Sheekh Maxamuud oo u mahadceliyay xildhibaanada ka qeyb galay xaflada lagu taageerayo, wuxuuna sharxay qorshaha cusub oo uu doonayo inuu ku dhameystiro howlaha u haray iyo xoojinta kuwa qabsoomay.

Xasan Sheekh wuxuu ka faalooday horumarka ka dhacay magaalada Muqdisho iyo waxqabadkiisa isagoo sheegay inuu meesha la joogo kasii wadi doono horumarka muuqda ee magaalada ka jira.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON